Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaray ayaa tilmaamaya in dagaal toos ah uu dhexmaray labada dhinac, kaas oo sababay khasaare kala duwan.
Ciidamada ATMIS ayaa la sheegay inay iska caabin adag kala hor yimaadeen weerarka Al-Shabaab, iyagoo isku dayay inay difaacaan saldhiggooda. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare xoogan, haddana tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca lama xaqiijin karo illaa iyo hadda.
Masuuliyiinta ATMIS ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan, balse dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka hubka dhinacyadu isku adeegsanayeen, dagaalka ayaana ahaa mid culus.
Saldhigga ATMIS ee Buulo-Mareer ayaa horay dhowr jeer loo beegsaday weerarro gaadmo ah oo ay AS ku qaadeen, kuwaas oo sababay khasaare xooggan.