Saldhiga Imaaraadka ee Berbera oo loo adeegsan doono weeraradda ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

Danjiraha Maamulka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil Cumar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Idaacadda BBC NEWS, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey Saldhigga Milliteri ee Imaaraadka laga siiyey magaalladda Berbera.

Waxa uu tilmaamay inuu Saldhigaasi noqon doono mid u wanaagsan Reer Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa lagu ilaalin doonaan Xeebaheenna, waxayna Ciiddanka Imaaraadka tababari doonaan Ciiddankeenna Ammaanka” ayuu yiri Baashe Cawil Cumar.

Waxa kaloo oo uu farta ku fiiqay in Saldhigga Milliteriga Imaaraadka ee laga hirgelinayo magaalladda Berbera loo adeegsadan doono Hawlgalladda lagu weerarayo dalka Yemen.

Imaaraadka waxay qeyb ka yihiin Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee dagaalka kula jira Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen oo ay Dowladda Iiraan taageerto.

Hoggaamiyayaasha Xuutiyiinta Yemen waxay horey ugu hanjabeen inay Gantaalo ku duqeyn doonaan magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera, haddii uu Milliteriga Imaaraadka u adeegsado Saldhigga Milliteri inay ka duqeeyaan Degaanadda ay Xuutiyiinta ka maamulaan Waqooyiga Yemen.

Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay haystaan Gantaalo Balaastik ah oo Iiraan lagu soo farsameyey, kuwaasi oo ay horey ugu duqeeyeen magaallooyin ku yaalla dalka Sacuudiga.

Dhinaca kale, Danjiraha Maamulka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil Cumar waxa uu ka hadlay Tallaabadda ay DFS kaga soo horjeedo Faragelinta Dowladda Imaaraadka ee Arrimaha Gudaha ee Somalia, wuxuuna sheegay inaysan  DFS wax shuqul ah ku lahayn Arrimaha Somaliland.

Waxa uu intaasi ku daray inay Reer Somaliland arrimahooda gaarka maamulanayeen ku-dhawaad 30-kii sanno ee la soo dhaafay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media