Safiirka Dowladda Somalia ee Uganda oo warqadihiisa aqoonsiga laga guddoomay   

Madaxweynaha dalka Uganda  Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka u fadhin doono dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

Safiirka dowladda Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha dowladda ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa guddoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni

Danjire (Cali Cagabaruur ) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor