Safiirka cusub ee UK u soo magacaawday Somalia oo soo gaartay Muqdisho

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta ku soo dhoweeyay  Danjiraha cusub ee UK u soo magacaawday Soomaaliya.

Kate Foster ayaa bedeshay Ben Fender, iyadoo maanta wixii ka dambeeya ka howlgeli doonto xarunta Safaaradda UK ee Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda Qaabilaadda Danjiraha cusub ee UK oo ka dhacday Gudaha VIP-da Garoonka ayaa si diiran u soo dhoweeyay Safiir Kate oo bishii Febraayo 2021-ka Dowladda Britain u magacawday danjiraha u fadhin doonta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Danjiraha in Dowladda Britain ay ka mid tahay dalalka xiriir dhow ee saaxiibtinimo la leh Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor