HomeWararSafiir ku sugan Muqdisho oo ballan qaaday inuu Dowladdiisa u gudbinayo Codsi...

Safiir ku sugan Muqdisho oo ballan qaaday inuu Dowladdiisa u gudbinayo Codsi uga yimid DFS

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xubno Ka tirsan Guddiga Qaran ee Abaaraha iyo Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Somaliya Hon. Mehmet Yilmaz, si ay u dabagalaan baaqii degdegaahaa ee uu Ra’iisul Wasaaruhu November24, 2021 u jeediyay Deeq bixiyayaasha Caalamka, saaxiibada Soomaaliya iyo Haayadaha ka shaqeeya gargaarka bini’aadantinimo. Guddida abaaraha heer qaran waxey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xubno Ka tirsan Guddiga Qaran ee Abaaraha iyo Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Somaliya Hon. Mehmet Yilmaz, si ay u dabagalaan baaqii degdegaahaa ee uu Ra’iisul Wasaaruhu November24, 2021 u jeediyay Deeq bixiyayaasha Caalamka, saaxiibada Soomaaliya iyo Haayadaha ka shaqeeya gargaarka bini’aadantinimo.

Guddida abaaraha heer qaran waxey Safiirka horgeeyeen warbixin xaalada abaaraha muujinaysa xaaladda degdega ah ee Abaaraha, waxaana lugu mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowlada Soomaliya.

- Advertisement -

Safiirka ayaa la wadaagay guddiga xog ku saabsan dadaallada gurmadka Abaaraha ee dowladda Turkiga, isagoo ballan qaaday in warbixinnada dowladda Soomaaliya uu la wadaago Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn si loo kordhiyo dadaallad gurmadka abaaraha, iyo sidoo kale sii wadida wacyigelinta abaarta ku socota Beesha Caalamka iyo Saaxiibada Turkiga.

Safiirka ayaa ballan qaaday in si joogta ah la wadaago Dowladda Turkiga warbixinada cusub ee Dowladda Soomaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay xoogga saarto sidii loo heli lahaa Gurmadka Abaaraha, maadaama ay xaalada aad u sii xumaan doonto, isla markaana u fiirsashada arrimaha siyaasadda ay caqabad weyn ku tahay in bulshada Caalamka, Saaxiibada Gargaarka Bani’aadantinimo, Saxaafadda iyo Saaxiibada Turkiga ay ka qeyb qaataan wacyigelinta, iyo dadaalka loogu jiro Gurmadka Abaaraha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts