Safarkii John Kerry oo lagu tilmaamay mid farriin u ah dadka Soomaaliyeed iyo Alshabaab

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa socdaal mar-la-arag ah ku yimid magaalladda Muqdisho, taasi oo ay Diplomaasiyiinta la yaabeen.

 

Waxa uu dhowr saacadood ku sugnaa Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Adan Cadde, isagoo kulamo la qaatay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud  iyo Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in Safarka Kerry  ahayd sidii Dolwadda Federalka loogu muujin lahaa taageeradda loo hayo dagaalka ay kula jirto Alshabaab iyo dadaalka ku aadan dhismaha Ammaanka Siyaasadeed ee Somalia.
“Safarka xiga ee aan imaanayo Muqdisho, waa inaan awoodaa inaan ku lugeyno magaalladda hoose” ayuu John Kerry sheegay markii uu la kulmay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud.

“Magaalladda Hoose wey ka duwan tahay sidii ay ahayd labo sanno ka hor” ayuu yiri Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud oo u jawaab-celiyey John Kerry.

Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka waxa uu safarka John Kerry ku tilmaamay mid Taariikhi ah, isla markaana ay  farriin xooggan u tahay  Alshabaab.

Waxa u uintaasi ku daray inay booqashadaasi muujinayso inaysan Maraykanka dhabarka u jeedin doonin dadka Soomaaliyeed, ilaa Alshabaab laga soo gebagebeynayo, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, John Kerry waxa uu u mahadceliyey ciiddamadda Jabuti, Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee weli dagaalka kula jira Alshabaab.

kerry iyo mogadishuMadaxweyne iyo Kerry (1)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor