Safaricom Kenya oo shaacisay inuu khasaaro weyn ka soo gaaray Weerarkii ay Alshabaab ku qarxiyeen Taawarkooda.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Safaricom, Bob Collymore ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareyi uu siiyey Wargeyska Maalinlaha ee The Nation ee ka soo baxa Nairobi,hal maalin kadib, markii ay Dagaalamyaasha Alshabaab fuliyeen weerar ay la beegsadeen Tawarada Isgaarsiinta ee ku yaallay Deegaanka Dabacity oo 3 KM u jirta degmadda Kotulo ee Gobalka Mandera.

Waxa uu tilmaamay inay Xarakadda Alshabaab dhowrkii bilood ee la soo dhaafay burburiyeen Tawaradda Shirkadda Safaricom ku leedahay qeybo ka mid ah Mandera, Garissa iyo Degmooyin kale oo ku yaalla xuduudka Kenya iyo Somalia.

Dhinaca kale, G/xigeenka Degmadda Ceel-waaq Kenya, Peter Karanja ayaa xaqiijiyey inay Dagaalamayaasha Alshabaab burburiyeen Tawarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom iyo Orange ku lahaayeen duleedka Degmadda Kotula ee W/bari Kenya.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan oo ka dhacay Degaanka Dabacity, wuxuuna Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrick Shisia tilmaamay inuu weerarkaasi dhacay Habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor