Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka India, Ambassador Abyan Ladan Salah ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin wararka la isla dhex marayo ee lagu sheegay in 0 Dhallinyaro Somali ah lagu xukumay xukun dil ah.
Danjiraha oo Wareysi Kooban siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayey ku sheegtay inuusan jirin xukun lagu riday Dhallinyaradaasi oo ku eedeysan Falal Burcadbaddeednimo.
Waxay kaloo sheegtay inay weli socoto Dacwadaasi, isla markaana ay dhowr bilood qaadan karto in lagu dhawaaqo Xukunka lagu riday.
Hadalkeeda ayaa soo baxay, iyadoo qaar ka mid ah Dhallinyarada ku xiran dalkaasi ay ku eedeeyeen Safaaradda Somalia inay ka dambeeysay Xukunka lagu riday, isla markaana ay Saraakiisha Safaaradda ku khasbeen inay saxiixaan Qoraalo ay ku qiranayaan inay yihiin Burcad-baddeed.
Wargeyska Times of India qoray in Maxkamadda magaalladda Mumbai xukun dil ah ku riday 50 Dhallinyaro ku eedeysan Burcad-baddeednimo, kuwaasi oo muddo dhowr sanno ah ku xiran Xabsiyadda dalkaasi.
119 Dhallinyaro Soomaali ah ayaa haatan ku xiran India, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Xukun Sugayaal ah.
Dhinaca kale, Dibaxbaxyo ballaaran oo looga dhiidhinayo Xukunka la sheegay in lagu riday Dhallinyaradaasi ayaa waxay ka dhaceen magaalladda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Omar Abdirashiid ayaa sheegay inuusan oggolaan Karin Xukunka ay Maxkamadda India ku riday Dhallinyarada Soomaalida.
Wuxuuna tilmaamay inuu ka hadli doono arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay Dowladda India in la sii daayo Dhallinyaradaasi.
©Radio Dalsan
Â