Safaaradda Mareykanka ee Somalia oo War kasoo saartay Weerarkii Ballidoogle

Dowladda Mareykanka ayaa War kasoo saartay Weerarkii Maanta Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ballidoogle ee ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu Cambaareeyay weerarkaas,iyadoo la Xusay  in weerarkaas ay ka hortegeen Ciidanka dowladda Soomaliya.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanak ee Somalia.

Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose.

Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media