Safaaradda Mareekanka Ee Jabuuti oo Maanta Dib Loo Furayo

Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 22 bisha March, ay dib u furto saafaradeedii ay ku laheyd dalka Jabuuti, oo maalintii Khamiista ay xirtay, kadib markii cilad ay ka sheegtay dhinaca ammaanka  dowlada Mareykanka.

Warsaxaafadeedka lagu xiray safaarada Mareykanka ee dalka Jabuuti, ayaa waxaa lagu shegay in 22 bishaan March dib ay u shaqa bilaabi doonto safaarada, taasoo maanta ku aadan.

Bogga safaarada Mareykanka ee Jabuuti, ayaa lagu shaaciyay amarka sida ku meel gaarka ah loogu xirayo safaaradda, waxaana dhinaca kale, lagu sheegay in muwaadiniinta mareykanka ay ka feejignaadaan halka ay dhigayaan talaabooyinkooda, maadama ay khatar dhinaca ammaanka ay soo baxday.

Qaraxyadii bishii May ee sanadkii 2014, ka dhacay Mehrad ku taalay caasimada Jabuuti, ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux oo u dhashay dalka Turkiga iyo shaqsiyaad kale oo kasoo kala jeeda wadamada reer-galbeedka.

Xarakada Shabab ee Soomaaliya ayaa sheegtay masuuliyadda  weraradii sanadkii hore ka dhacay dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti, ayaa waxaa saldhigyo Militeri ku leh dowladaha French iyo Mareykanka, kuwaasoo si toos ah u caawiya ciidamada Nabad illaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor