Safaaradda Mareekanka Ee Dalka Uganda oo Ka Digtay Weeraro Ka Yimaadda Al Shabab

Warbixin Cusub oo ay Xalay Siideysay Safaaradda Dalka Mareekanka uu ku leeyahay Magaaladda Kampala ayaa sheegeysa iney jirto khatar weyn oo la xiriirta Dhinaca Ammaanka suurtogalna ay tahay Weeraro argagixisanimo in lala eegto Muwaadininta Mareekanka.

Safaaradda waxa ay uga digtay Dhamaan Dadka ka soo jeeda Ameerika iney tagaan Goobaha ay isugu yimaadan Dadka Reer Galbeedka Ee ku sugan Caasimadda Kampala.

Warbixinta Safaaradda waxa lagu sheegay in la helay Xog muujineysa in Weerarka laga Cabsi qabo uu si dhaqsi leh uga dhici karo Dalka Uganda.

Waxa ay joojisay Safaaradda Munaasabadaha aan muhiimka ahayn ee dhici lahaa Dhowrka Cisho ee Soo socda oo hore loo jadwaleeyay.

Dhamaan Muwaadiniinta Ameerikankan ee Jooga ama Gala Hoteelada ayaa kordhin doona ka warqabka Ammaankooda waqtiyadda ay galayaan ama ay ka baxayaan Hoteeladda sida Warbixintasi lagu shaaciyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor