• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Safaaradda Ingiriiska oo Daahfurtay Abaalmarinta Saxaafadda ee Soomaaliya

Bilan Media by Bilan Media
May 7, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 7 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Si loogu dabaal dego Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka iyo ‘Shirweynaha Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda’ (DefendMediaFreedom) oo ay martigelin doonaan dawladaha Ingiriiska iyo Kanada bisha Julay 2019, Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho waxa farxad u ah in ay ku dhawaaqdo daahfurka Abaalmarinta Saxaafadda ee Codka Da’yarta Soomaalida.

Waxa aannu raadinaynaa muuqaallo gaagaaban iyo sawiro ay soo gudbiyaan ardayda saxaafadda barata iyo saxafiyiinta shaqada ku cusub ee Soomaliya ka shaqeeya. Muuqaallada iyo Sawiradu waa in ay soo bandhigaan sheekooyin togan, asal ah, wax badan la gooni ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Abaalmarintani waxa ay iftiimin doontaa muhiimadda ay leedahay difaaca xoriyadda saxaafadda waxaana ay muujin doontaa doorka muhiimka ah ee ay saxaafaddu ka ciyaarto in Soomaliya ay ka samaysanto bulsho furan oo loo dhanyahay. Waxa ay sidoo kale abaalmarintani isku deyaysaa in ay ogaato oo ay saadaaliso codadka da’yarta Soomaalida oo ay kuwa Somaliland ku jiraan iyo sheekooyin wanaagsan oo Soomaaliya ku saabsan.

Abaalmarintan waxa lagu shaaciyay xaflad loogu dabaal degayey Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka oo lagu qabtay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, xafladdaas oo ay wada martigeliyeen Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender, iyo Wakiillo ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taakulaynta Soomaaliya. Xafladdu waxa ay fursad u siisay saxafiyiin Soomaaliyeed oo qaybo kala duwan ka socda in ay sameeyaan wacyigelin ku aaddan caqabada iyo fursadaha ay la kulmaan ee la xidhiidha Xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaliya, isaga oo hadlaya xafladda ka dib, waxa u yidhi:

“Saxaafad xor ahi waa difaaceenna ugu wanaagsan ee musuqmaasuqa, xagjirnimada iyo ku takrifalka awoodda. Xoriyadda saxaafadda Soomaaliya waxa ay wajahaysaa weerar sii kordhaya maadaama ay saxafiyiintu si joogto ah ula kulmaan cagojuglayn, xad-gudub iyo xukun maxkamadeed.

Waxa aannu la sii shaqayn doonnaa saxaafadda, ururrada bulshada, ururrada/dalalka caalamiga ah ee aannu wada shaqaynta leenahay, iyo Dawladda Soomaaliya, si dhibaatooyinkan xal loogu helo si wada jir ah.”

“Ujeeddada ay Safaaradda Ingiriisku ka leedahay Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliya waa in ay xusto isla markaasna kor u qaaddo doorka muhiimka ah ee ay saxaafadda xorta ahi ka ciyaarto Soomaaliya iyo in la ogaado ama la aqoonsado hibada soo baxaysa ee saxafiyiinta. Waxa aannu ku dhiirigelinaynaa dhammaan da’yarta Soomaaliyeed ee barata saxaafadda ama ku cusub shaqada saxaafadda in ay tartanka si firfircoon uga qayb qaataan.”

Shuruudaha ka qaybgalka tartanka

  • Tartarnku waxa uu u furanyahay ardyada saxaafadda barata iyo saxafiyiinta ku cusub mihnadda (3 sanno ama wax ka yar shaqaynayey oo ah shaqaale toos ah ama si madaxbannaan u shaqeeya). Waxa si gaar ah loo dhiirrigelinayaa codsiyada ka imanaya haweenka iyo dadka la takoorro.

  • Dhammaan ka qaybgalayaasha tartanku waa in ay muwaadiniin Soomaali ah yihiin isla markaana ay haystaan Baasaboor (ama dokumenti kale oo lagu safri karo) shaqaynaya oo aan dhicin.

  • Wakhtiga ugu dambaysa ee ay tahay in la soo gudbiyo muuqaallada/sawirrada waa 23:59, Jimce, 7da Juun 2019. Wixii la soo gudbiyo wakhtigaas ka dib lama aqbali doono.
  • Tartamuhu hal muuqaal/sawir ayuunbuu soo gudbin karaa.

Sida looga qaybgelayo

  • Waxa aad soo gudbisaa:

(i) Muuqaal ugu badnaan 2 daqiiqo ah oo muujinaya qiso gaar ah oo togan oo ku saabsan dhinacyada nolosha ee Soomaaliya. Muuqaalku Af Soomaali wuu noqon karaa laakiin waa in ay turjumaad Ingiriisi ahi hoosta kala socoto.

ama

(ii) Sawir madow iyo caddaan ah (aan midab lahayn) am midab leh oo muujinaya qiso gaar ah oo togan oo ku saabsan Soomaaliya. Sawirku waa in uu lahaadaa ciwaan ama qoraal sharaxaad ah la socda.

Muuqaalka/sawirka waa in lagu soo hagaajiyaa [email protected] iyada oo la adeegsanayo We Transfer ama Google Drive. Haddii aad weydiimo qabto, ama aad dhibaatooyin kala kulanto habka soo gudbinta, fadlan la xidhiidh kooxda abaalmarinta [email protected] inta ka horraysa Jimcaha, 7da Juun 2019.

  • Soo gudbi arji (CV) hal bog ah oo ay ku qoranyihiin magacaaga, xilliga dhalashada, waxbarashada, iyo taariikhdaada shaqada.
  • Soo gudbi nuskhad ka mid ah baasaboorkaaga ama dokumenti kale oo lagu safri karo.

Fariin ku socota tifaftirayaasha

  • Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa si rasmi ah logu aqoonsaday 3da May sanad kasta. Maalintani waxa ay fursad muhiim ah u tahay si tixgelin gaar ah loo siiyo caqabadaha iyo fursadaha ay wajahaan saxafiyiinta caalamku iyo si loo xuso mabaadi’da aasaasiga ah ee xoriyadda saxaafadda.

  • Abaalmarintan saxaafadda ee cusub waa tusaale ka mid ah taageerada Ingiriiska ee saxaafadda Soomaaliya. Dawladda Ingiriisku waxa ay taageeraysaa tababarro saxaafadeed oo la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo isla xisaabsantka oo qayb ka ah barnaamijkayaga £3 million ee la xidhiidha ka qayb gelinta bulshada ee Soomaaliya, ujeeddaduna tahay in awoodda muwaadiniinta kor loo qaado si ay kor ugu qaadaan codkooda arrimaha siyaasadda iyo in kor loo qaado ka qayb galka. Waxa aannu taageernay kuliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa.

  • Dawladaha Ingiriiska iyo Kanada waxa ay Landhan ku wada martigelin doonaan ‘Shirweynaha Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda’ 10-11ka Julaay si loo iftiimiyo xoriyadda saxaafadda, loo kordhiyo ciqaabta ay la kulmaan kuwa carqaladeeya, iyo in kor loo qaado badqabka saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta.
  • Shirweynahan Caalamiga ahi waxa uu noqon doonaa kii u horreeyey ee noociisa ah oo ku saabsan xoriyadda saxaafadda, waxaana ka qayb qaadan doona in ka badan 1000 ka qayb gale oo ka socda dunida oo dhan. Shirweynahani waxa uu isu keeni doonaa wasiirro iyo saraakiil dawladeed oo kala duwan, hay’ado caalami ah, bulshada rayidka ah, aqoonyahan, tifaftirayaal, shirkado daabacaad, iyo saxafiyiin si ay arrimahan uga doodaan oo ay ka qaadaan tallaabo caalami ah.
Previous Post

Akhriso:-War-murtiyeed laga soo saaray Shir ku qabsoomay Garoowe + Sawirro

Next Post

Dhageyso;- Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

May 14, 2025
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

May 14, 2025
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
Wararka Idaacadda

Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal

May 14, 2025
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Next Post

Dhageyso;- Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya...

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah...

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u...

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

"Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
English News

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • “Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
  • “Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
  • Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
  • “Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00