Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex haween ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay kasoo jeedaan degmada Ceelbuur.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Galqoryaale, oo hoostaga isla degmada Ceelbuur, iyadoo bartilmaameedku uu ahaa dad rayid ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarku uu dhacay si lama filaan ah, iyadoo haweenka dhaawacmay loo qaaday si degdeg ah degmada Guriceel, si halkaas loogu helo daryeel caafimaad, maadaama ay kasoo jeedaan deegaankaasi.
Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in xaaladda caafimaad ee haweenka dhaawacmay ay kala daran tahay, iyadoo qaar ka mid ah la geeyay xarumaha caafimaad ee Guriceel.
Maleeshiyaadkii weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamana oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka lagu qaaday dadka shacabka ah.
Gobolka Galgaduud ayaa muddooyinkii dambe wajahayay xaalado amni darro ah, oo ay sabab u yihiin dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil. Falalka noocan oo kale ah ayaa si joogto ah u saameeya nolosha dadka shacabka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.