Sacuudiga oo xukun ku riday Haweenay u ololeysa xuquuqda Haweenka

Haweeney caan ka ah dalka boqortooyada Sacuudi carabiya oo u ololeysa xuquuqda haweenka ay u leeyihiin iney gawaarida wadaan ayaa lagu xukumay ugu yaraan shan sano oo xarig ah.

Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah laba sana iyo bar waxay ku xirneed xabsi amnigiisa aad loo adkeeyey oo ku yaalla dalka Sacuudiga.

Iyada iyo haween kale oo u ololeeya xuquuqda haweenka Sacuudiga ayay boqortooyada Sacuudiga xabsiga dhigtay 2018-kii, haweenkaasi oo lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen iney xiriir la yeesheen ururrada cadowga ku ah Sacuudiga.

Hay’adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha u dooda waaxay marar badan Riyadh ka codsadeen in Loujian la sii dayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media