Sacuudiga oo War kasoo saaray Duqeymaha Israa’iil ka wado Qaza

Dowladda Sucuudiga ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay xadgudbka ay Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay shir ay lahaayeen Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in dalkiisa uu ku baaqayo in Israa’iil ay si deg deg ah ku joojiso duqeymaha.

Wuxuu intaas ku daray in boqortooyada Sucuudiga ay taageereyso dadaal kasta oo lagu sii xoojinayo nabadda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel ayaa ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen.

Wadahadalo xoogan oo dhex dhexaadiyayaal caalami ah ay wadaan ayaa lagu soo warramayaa in ay socdaan. Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor