• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, June 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Sacuudiga oo War cusub kasoo saaray dilkii Jamaal Khashoggi

Dalsan Editor by Dalsan Editor
February 11, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inaysan aqoonin goobta lagu aasay maydka Suxufigii Jamaal Khashoggi, kaasi oo ay koox ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga dileen, jarjareen, kadibna maydka ku shubay Aashito bishii October 2-dii ee sannadkii hore.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu  siiyey  Barnaamijka “face the Nation” ee Telefishinka CBS ee dalka Maraykanka.

Waxa uu sheegay inay Saraakiil Sacuudiyaan ah qaadeen dilkaasi oo uu ku tilmaamay fal ka baxsan Awooda 11-kii qof ee dilkaasi fulisay, kuwaasi oo lagu soo oogay Dembigaasi.

MMar wax laga weydiiyey halka uu ku dambeeyey maydkii Jamaal Khashoggi, waxa uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ku jawaabay: “Ma garanayno”.

Waxa uu sii raaciyey inuu Dacwad-oogaha Dowladda mas’uul ka yahay  Kiiskaasi, oo u baahan caddaymo ka yimaada Dowladda Turkiga, balse aysan weli ka soo jawaabin codsigaasi.

Waxaa kaloo la weydiiyey Caadil Al-jubeyr sababta ay Eedeysanayaasha ugu sheegi waayeen Baarayaasha halka ay dhigeen maydka Jamaal Khashoggi, wuxuuna ku jawaabay: “Waxaan weli ku jirnaa Baaritaanka, waxaan haatan haynaa tiro suurtogal ah, waxaana weydiinaynaa iyaga halkii ay dhigeen maydka”

Waxa uu sii raaciyey  inuu u malaynayo in baaritaanka weli socdo iyo inuu rajeynayo in xaqiiqda la heli doono.

Dhinaca kale, waxaa wax laga weydiiyey inuu Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mas’uul yahay amarka lagu dilay Saxafigii Jamaal Khashoggi, waxa uu Caadil Al-jubeyri carrabka ku adkeeyey inuusan Amiirku bixinin Amarkaasi.

Wargeyska The News Times waxa uu Jimcihii la soo dhaafay qoray inay Hay’adda Sirdoonka CIA-da  duubeen codka Amiirka Sacuudiga oo u sheegayey Gacan-yare sare sannadkii 2017-kii in uu Xabbad la daba kici doono Jamaal Khashoggi, haddii uusan ku soo laabanin dalka Sacuudiga.

Xogtaasi Sirdoonka ayaa waxa uu Telefishinka CBS wax ka weydiiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr, wuxuuna ku jawaabay: “Aniga ma doonayo inaan hadal ka dhiibto Warbixintaasi oo asaas looga dhigay Xogo aan la aqoonin”.

CIA-du waxay warbixinteeda ku soo gebagebeysay in Hawlgalkii Sacuudiga ee lagu dilay Saxafigii Khashoggi u muuqato inuu si toos ah u maamulayey Dhaxal-sugaha awoodda badan ee dalka Sacuudiga.

Previous Post

Madaxda Soomaaliya,Itoobiya, Chana iyo Botswana oo ku kulmay Adis Ababa

Next Post

Luuqadda Hindiga oo ka mid noqotay Luqadaha looga hadli doono Maxkamadaha Imaaraadka

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Next Post

Luuqadda Hindiga oo ka mid noqotay Luqadaha looga hadli doono Maxkamadaha Imaaraadka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

by Ilhaan
June 17, 2025
0

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
  • Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
  • Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00