Sacuudiga oo si KMG u qaadaya Xayiraadda Xoolaha Nool ee Somalia ee Xilliga Xajka

Wargeyska Al-iqtisaadiyah ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Dowladda Sacuudiga u oggolaatay Bangiga Horumarinta Islaamka (The Islamic Development Bank) inay keeni karaan Xoolaha Somalia oo ay Dowladda Sacuudiga horey u xaryirtay in Xoolahaasi loo iib keeno dalkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga, Dr. C/llaahi Aba Kheyl ayaa sheegay in Bangiga Horumarinta Islaamka loo fasaxay inay Somalia ka keeni karaa 1,140.000 oo neef, oo loogu tala galay Mashruuca Xoola-qalka ee Maka Al-mukarama, si Xujeyda loogu qeybiyo Xilliga Xajka ee foodda nagu soo haysa.

Afhayeenka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga, Dr. C/llaahi Aba Kheyl waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Baaritaan lagu sameeyo Xoolaha laga keenayo Somalia, ka hor inta aan Maraakiibta lagu soo daabulin.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in lagu ballamay inaysan Qandaraaslayaasha Bangiga Horumarinta Islaamka u gudbin Karin Xoolajaasi Suuqyada ku yaalla gudaha Sacuudiga, si looga hortago inaan lasoo gudbinin Cudduradda xuduudaha ka soo gudba.

2 Markab ayaa la filayaa inay Xoolaha nool ee ay Somalia ka soo daabulaan ku soo xiran doonaan Dekedda Islaamiga ee magaalladda Jeddah, halkaasi oo mar kale lagu baarayo Sheybaarka Khaaska.

Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga waxay walaac xooggan ka muujisay

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor