Sacuudiga oo hawadiisa u furay dhammaan Diyaaradaha iyo MW Biden oo ka hadlay

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay hawadeeda u furtay dhammaan diyaaradaha, oo ay ku jiraan kuwa ka imanaya ama ku socda Israel.

Go’aanka ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shalay booqasho uga bilaabatay Sacuudiga, ayada oo diyaaraddiisa ay toos uga kacday Israel una tagtay Jeddah.

Biden oo wali ku jira safarkiisa Bariga dhexe ayaa goor sii horreysay maanta la kulmay hoggaamiyaha Falastiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor