Sacuudiga oo dalkiisa u fasaxay dadka ka imaanaya 11 dal oo waaweyn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa shaacisay in laga bilaabi berrito Subax oo Axad ah in loo fasaxay Dhoofayaasha 11 dal inay soo geli karaan Sacuudiga.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dhoofayaashaasi laga baari doono COVID-19 marka ay ka soo degaan Garoomada Diyaaradaha ee Sacuudiga.

Dhoofayaasha loo oggolaaday inay booqan karaan Sacuudiga ayaa ah kuwa ka kala imaanayo dalalka Maraykanka, UK, Talyaaniga, Jarmalka, Sweden, Switzerland, Ireland, Portuqiiska, imaaraadka Carabta, Faransiiska iyo Japan.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa horey u joojisay inay dalkeeda soo galaan dadka imaanaya dalalkaas, sababo la xiriiray faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo aduunka oo dhan saameyn ballaaran ku yeeshay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor