Sacuudi Carabiya iyo Syria oo dib usoo celiyey xiriirkooda

Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa Talaadadii xaqiijiyey dib ugu soo laabashadiisa xeendaabka Carabta kadib markii dalka awoodda badan ee Sacuudi Carabiya oo muddo diidanaa uu sheegay inuu dib ula billaabayo xiriir diblomaasi.

Soo-celinta xiriirka diblomaasi, oo markii dambe ay xaqiijisay Dimishiq, ayaa yimid in ka badan 10 sano kadib markii Riyadh ay wakiiladeeda la baxday intii uu socday dagaalka sokeeye ee Syria, iyo laba maalin kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu soo geba-gebeeyey sideed sano hakad ay ku jirtay xubinnimada Syria.

Boqortooyada “waxay go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Syria,” ayey bayaan ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.

Bayaanka oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA ayaa lagu sheegay in Riyadh ay raadin doonto “horumarinta dhaqaaq carbeed oo wadajir ah.”

Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa tiri “Jamhuuriyadda Carbeed ee Syria waxay go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Sacuudi Carabiya,” ayada oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha dibedda.

Sacuudi Carabiy ayaa 19-ka May marti-gelin doonta shir madaxeedka xiga ee Carabta.

Assad ayaa siyaasad ahaan ka go’doonsanaa gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Syria, balse dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhowr ah ayaa socday toddobaadyadii tegay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor