Saameynta amarkii lagu soo Rogay Bajaajleyda Muqdisho oo laga dareemayo Caasimadda

Iyadoo dhawaan amar Culus oo kasoo Golaha Wasdiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in  wadayaasha Mootada looyaqaanno bajaajta inay isku soo diiweaan galiyaaan, ayaa waxaa Magaalada si weyn looga dareemayaa saameynta ka dhalatay amarkaasi, kaasi oo fulintiisa laga rabo maamulka Gobolka Baanaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaalle, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in la joogo waqtigii la dhaqan galin lahaa awaamiir ay dowladda Soomaaliya horey uga soo saartay Mooto Bajaajta.

Saameynta amarkaasi ayaana saaka si weyn looga dareemaya gudaha Muqdisho, Wadayaasha Bajaajta ayaan saaka sidii caadiga ahayd soo shaqa tagin intooda badan, waxaana taasi ay ka dhalatay amarka lagu soo rogay, kaasi oo horay ay caabsho kaga muujiyeen wadaayasha Bajaajta.

Waxaana jirta lacag laga qaadayo Mooto waliba oo la rabo in la diiwaangaliyo, taasi oo inta badan Wadayaasha Mootooyinka ay ka cabanayaan.

”Amar dowlo ninkii diido waaa dabaal,Bari wixii ka dambeya magaaladan kama shaqeyn doonto Mooto aan A iyo B aheyn Hey’addaha amniga amar ayey qabaan” ayuu yiri Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale,Xili uu ka hadlayay shalay amarka lku aaddan Mootooleyda Muqdisho.

Mootooyinka ka shaqeeya Caasimadda ayaa loo kala saarayaa A iyo B, mid walibana maalin ayay magaalada ka shaqeyndoontaa,taasi oo ka dhigan in Mooto walba ay bishii ka shaqeyndoonto kala bar ama 15 maalmood.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor