HomeWararSaadaq Joon oo ku guuleystay Doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka

Saadaq Joon oo ku guuleystay Doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ahaa Taliyihii hore Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kadib doorasho goordhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb. Saadaq Joon ayaa kusoo baxay oo ku guuleystay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP248, waxaana Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir doorashada kula tartamay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ahaa Taliyihii hore Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kadib doorasho goordhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Saadaq Joon ayaa kusoo baxay oo ku guuleystay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP248, waxaana Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir doorashada kula tartamay Musharax Cabdullaahi Xirsi Diirshe.

- Advertisement -

100 Ergo ayaa coddeeysay doorashada, isla markaana waxaa Saadaq Cumar Xasan uu helay 81 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Xirsi uu isna helay 17 Cod, 2 Codna waa halaawday, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Galmudug.

Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashada ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, ee uu kusoo baxay Saadaq Joon oo noqday Xildhibaan.

Doorashada kuraas kale oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa weli ka socota Dhuusamareeb, waxaana Maanta oo khamiis ah halkaas lagu dooranayaa afar kursi oo kursigii ugu horreeyay la doortay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts