RW Xamse “Xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-sahbaab, isla markaana ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Al-shabaab”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ay barbar socotay qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor