• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

RW Xamse oo Goordhaw ku wajahan Magaalada Laascaanood iyo ujeedka Safarkiisa

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 2, 2025
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
RW Xamse oo Goordhaw ku wajahan Magaalada Laascaanood iyo ujeedka Safarkiisa
34
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa lagu wadaa in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ay goordhow ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee safarka ayaa si xowli ah uga socota gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo ay wafdiga ka qaadi doonto diyaarad khaas ah. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh, maadaama uu salka ku hayo xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo xoojiyo wadashaqeynta labada dhinac.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu inta uu ku sugan yahay Laascaanood la kulmi doono madaxda sare ee SSC-Khaatumo, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, saraakiisha amniga, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha amniga, dib-u-dhiska, horumarka deegaanka, iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa qorsheynaya inuu booqdo magaalooyin kale oo ka tirsan gobolka Sool, si uu ugu kuurgalo xaaladaha nololeed ee shacabka iyo baahiyaha taagan. Waxaa la filayaa in intii uu socdaalkiisa ku guda jiro uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo dowladdu waddo, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.

Dhinaca kale, magaalada Laascaanood ayaa haatan laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa. Madaxda maamulka SSC-Khaatumo, siyaasiyiin, waxgarad, iyo dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada hoggaanka sare ee dowladda federaalka.

Safarkan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo maamulka SSC-Khaatumo, waxana la filayaa in uu horseedo horumar muuqda oo ka hanaqaada gobolka. Wararka la xiriira safarkan iyo kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha la qaadan doono mas’uuliyiinta deegaanka ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda soo baxaan.

 

 

Previous Post

UN Plane Makes Emergency Landing in Mogadishu

Next Post

Dagaal culus oo ka socda deegaanka Jiicboor ee Galbeedka Gobolka Mudug

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Next Post
Dagaal culus oo ka socda deegaanka Jiicboor ee Galbeedka Gobolka Mudug

Dagaal culus oo ka socda deegaanka Jiicboor ee Galbeedka Gobolka Mudug

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Baidoa, South West State – The Somali National Army (SNA) scored a significant victory against Al-Shabaab early Sunday morning after...

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Algiers, Algeria – Somalia is taking part in a high-level regional summit on social and economic development in the Arab...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay...

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
English News

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
English News

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

"Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
  • Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
  • Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00