RW Xamse “Gabar yar oo Afrikaan oo aan Muslim ahyen inay iwaardiyayso wax la aqbali karo ma ahan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay Abaaraha baahsan ee xiligaan ka jira gudaha dalka ee saameynta ba’an ku yeelatay qoysas farabadan oo kunool degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xalay ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uusan ku qanci karin in dadka Soomaaliyeed ay u u dhamaanayaa baahi iyo biyo la’aan ka jirta dalka, ayna arrintaas ay dhalatay abaarta.

Wuxuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda in abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee dalka heysta ay sabab u tahay amni darrada dalka Soomaaliya, isla markaana wax kasta oo la qaban lahaa ay meesha ka saareyso qorshe la’aanta amni ee dalka ka jira.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gurmad u sameeyaan dadka abaareysan, wuxuuna cid kasta ka dalbaday Xamse Barre in aysan ogolaan in sidaan lagu sii jiro.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayuu  Carabka ku dhuftay inay adag tahay inuu aqbalo in amnigiisa ay sugaan dad ajnebi ah, iyo in Magaalooyin Soomaaliyeed oo aad isugu dhow diyaarad loogu kala safro, sababo amni dartood, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in Isbedel la helo oo laga baxo nolasha haatan lagu jiro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor