HomeWararRW Xamse "Dowladda MW Xasan Sheekh waxaa ka go'an in wadahadal dhab...

RW Xamse “Dowladda MW Xasan Sheekh waxaa ka go’an in wadahadal dhab la gasho Somaliland”

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliye Xamse Cabdi Barre  oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa  hambalyo ku aadan u diray  dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.

“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa munaasabada 26ka Juun oo ku beegan 62 guuradii kasoo wareegtey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horeysey oo calankeena laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah. ” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in maalintani huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaaliyeed ay gumaysitii Ingiriiska ka xoroobeen. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay noqoto ummad si xor ah aayeheeda uga tashata.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Midowgii 2da gobal ee waqooyi iyo kuunfur reer waqooyi  la’aan tood aysan suuragasheen.  Isagoo tilmaamay in maanta awlaadii halgamayaaashii xoriyada iyo midnimada keenay laga filaayo adkaynta midnimadii aabe yaashood horseedeen.

“Dadaalkaas dheer iyo halgankii xornimo doonka waxa xasuusin mudan in walaalaha reer waqooyi kaalin mug leh ay ku lahaayeen, waxay u hureen dhiigooda, libta 26ka juun, iyaga ayaana si gaar ah ugu suntan. Waxaan balan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxsheen xormimada iyo midowga mid u dhigma aan ku baxsho xalinta tabashadooda.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay xaaladaha xiligan dalka ka jira ayaa sheegay in dadkeenu wajahayaan duruufo adag oo ay abaaruhu keeneen, una dheer yihiin arrimo amni iyo mid dhaqaale oo u baahan in wax laga qabto.

“Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doonaa qorshayaal cad-cad oo lagu sameeynaayo xal waara iyo in dalka loogu diyaariyo inuu awood u yeesho ka jawaabista musiibooyinka qaran.”

Mudane Xamse ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo halgankii xornimo doonka ahaa mid la mid ah, taas oo ah waajib muwaadin kasta saaran sidii looga gudbi lahaa  kooxaha dadka go’doomiyey ee u diidan in xitaa raashin gurmad ah iyo biyo loo geeyo shacabka gaajada iyo haraadka u dhimanaya.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories