RW Xamse Barre “Shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran waxaa lagu gaaray go’aamo masiiri ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Muqdisho ay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan.

Sidoo kale, Mudane Xamsa ayaa xusay muddadii ay socdeen shirarkii kala duwanaa ee Golaha Wadatashiga Qaran in la gaaray go’aamo masiiri ah oo ay kamid yihiin, asteynta awoodaha dowliga ah, qaab dhismeedka amniga, hannaanka caddaaladda iyo hannaanka maamulka maaliyadda .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka oo yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta  in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor