RW Xamse Barre oo Muqdisho ka billaabay kulamo uu la yeelanayo Qaybaha kala duwan ee Bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo sii wada wadatashiyada ku saabsan dhismaha Xukuumadda ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb-galka horumarka, isagoo xusay in ay yihiin mustaqbalkii dalka, taladooduna ay tahay mid wax tar leh oo lagu kabayo dowladnimada.

Kulanka inta uu socday, ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada qey-bahooda kala duwan, waxa ay is dhaafsadeen su’aallo ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo, iyo sidii ay fursado shaqo ugu abuuri lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale RW Hamza Abdi Barre, ayaa maanta qaabillay culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

About Webmaster

View all posts by Webmaster