HomeWararRW Xamse Barre oo maanta Baydhabo ku wajahan iyo ujeedka Safarkiisa

RW Xamse Barre oo maanta Baydhabo ku wajahan iyo ujeedka Safarkiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo, isagoo doonaya inuu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee cirka isku shareertay ee u dhexeysa Villa Somalia iyo maamulka Koofur Galbeed. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, si uu u qanciyo una […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo, isagoo doonaya inuu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee cirka isku shareertay ee u dhexeysa Villa Somalia iyo maamulka Koofur Galbeed.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, si uu u qanciyo una dhiirrigeliyo inuu yimaado magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo in xal waara laga gaaro tabashooyinka maamulka Koofur Galbeed iyo arrimaha siyaasadeed ee taagan.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu si gaar ah ugu codsaday Ra’iisul Wasaare Xamse inuu booqdo Baydhabo, isagoo u xilsaaran inuu ka wakiil noqdo Villa Somalia si loo dajiyo xiisadda siyaasadeed oo khilaaf xooggan ka dhex abuurtay labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu dhowaan u amba-baxo Baydhabo, isagoo ku hawlan inuu mideeyo dhinacyada is diidan ee maamulka iyo dowladda federaalka.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Koofur Galbeed iyo dowladda federaalka ayaa gaaray heerka uu ka dhashay khilaaf xooggan, kadib markii xildhibaanno ka soo jeeda Koofur Galbeed ay taageero muuqata u muujiyeen dowladda Itoobiya, taas oo xoojisay tabashooyinka jira.

Waxaa la sugayaa in socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse uu furo albaab cusub oo wada-hadal iyo is-afgarad u horseeda xal u helidda muranka siyaasadeed ee muddooyinkan soo jiitamayay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts