RW Xamse Barre oo kulan Sagootin ah u sameeyay Safiirkii Imaaraadka u fadhiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xalay casho sharaf sagootin ah u sameeyay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiyay Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcusmaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana si gaar ah uu uga hadlay hawshii uu Safiirku ka qabtay dalka mudadii sanadaha ahayd ah ee uu fadhiggiisu ahaa Muqdisho.

Dhankiisa Danjiraha Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaruhu

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor