HomeWararRW Rooble oo war kasoo saaray booqashadiisii Magaalada Balcad

RW Rooble oo war kasoo saaray booqashadiisii Magaalada Balcad

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray socdaalkiisii uu maanta ku tagay Magaalada Balcad ee Gobolka Shabbeellaha dhexe, halkaasi oo uu wali ku sugan yahay, isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay. Rooble ayaa Bulshada iyo Maamulka Magaalada waxaa uu kaga mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Degmada. Qoraal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray socdaalkiisii uu maanta ku tagay Magaalada Balcad ee Gobolka Shabbeellaha dhexe, halkaasi oo uu wali ku sugan yahay, isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay.

Rooble ayaa Bulshada iyo Maamulka Magaalada waxaa uu kaga mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Degmada.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray ayuu sheegay in Bulshada Magaalada ay heellanyihiin nabadda, dowladnimada iyo horumarinta deegaannadooda, waxaana sidoo kale uu si gaar ah u bogaadiyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad,taasi oo ku taalla Magaalada Balcad ee uu ku sugan yahay RW Rooble.

“Waxaan bulshada Balcad, maamulkooda iyo madaxweynaha Hirshabeelle uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran. Booqashadeydii maanta waxaa iiga baxay sida bulshada Balcad ugu heellanyihiin nabadda, dowladnimada iyo horumarinta deegaannadooda.Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa odayadii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad” ayuu yiri RW Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa  xarigga ka jaray dhagax dhigga dugsiga beeraha ee Balcald oo muhiimad gaar ah u leh magaaladan caanka ku ah waxsoosaarka beeraha, isagoo sidoo kale kulamo la leh waxgaardka iyo qabaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u sheegay in uu safaro ku kala bixin doono Magaalooyinka dalka, gaar ahaan magaalooyinka loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts