RW Rooble oo soo dhaweeyay Go’aankii Doorashada looga wareejiyay Garbahaareey

Ra’iisul Wasaarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Go’aanka Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay doorashada 16-ka kursi ee Jubbaland uga wareejiyeen Magaalada Garbahaareey.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Go’aanka Guddiga doorashooyinka ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland looga wareejiyay Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu ku boorriyey Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman oo lagu qabanayo Magaalada Ceelwaaq ee Gedo.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada lahaad ee Jubaland” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaarada Xukuumadda xilgaarsiinta.

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Go’aamiyey in doorashada kuraasta 16-ka kursi ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland loo wareejiyay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Guddiga ayaa caddeeyay in Maamulka Garbahaareey uu xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal u diiday inay booqasho ku tegaan Magaaladaas, iyagoona u kuurgeli lahaa xaaladda amni ee ka jirta Magaaladaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor