RW Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, waxayna ka wadahadleen sidii la isaga kaashan lahaa nabad gelyada Muqdisho iyo arrimaha doorashooyinka.

Intii uu kulankan socday Ra’iisul wasaaraha ayaa Sheekh Shariif la wadaagay qorshaha xukuumadiisa ee ku aadan inay dalka ka dhacdo doorasho xasiloon oo loo dhanyahay.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas waxaa faahfaahin ka bixiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu, isagoo sheegay in kulankaan diirada lagu saaray duruufaha uu maanta dalku marayo, gaar ahaan xasaradihii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor