RW Rooble oo kormeer ku tegay Taliska qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey Taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgallada ay ku beegsanayaan Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay Howlagalada iyo difaaca ay kaga jiraan dehaanadaasi, waxaana sidoo kale uu sheegay in si gaar ah ay uga jwaabi doonaan baahiyaha Ciidanku qabaan, iyo sidoo kale agabyada ay u baahan yihiin.

“Waxaan maanta booqday Taliska qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Geesiyaasha way ku mahadsanyihiin sida nafhurnimada leh ee ay ugu heellanyihiin difaaca dalka iyo dadka. Waxaa naga go’an in aan ka jawaabno baahiyaha ciidankeenna ee agab, tababar iyo taageero walba ee ay u baahan yihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay ciidanka inay dar dargeliyaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee guud ahaan dalka looga ciribtirayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor