HomeWararRW Rooble oo ka hadlay geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi...

RW Rooble oo ka hadlay geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Mahdi Maxmed. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ka waraabiyo, ehelkii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Mahdi Maxmed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ka waraabiyo, ehelkii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo

- Advertisement -

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, waxaan rabaa halkan inaan uga tacsiyadeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid Walaalkeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaan uga tacsiyadeeynayaa dhammaan qoyskiisa, eheladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed, waa geeri xanuun badan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkiisa ku daray “Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed waxa uu ahaa ganacsade, wuxuu ahaa nabadoon, wuxuu ahaa siyaasi rug caddaa ah, waana halyeey ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed, qoyskiisa iyo eheladiisaba in uu Ilaahey Samir iyo Imaan ka siiyo, waxaana Alle SWT uga baryayaa janatul fardowso in uu Ilaahey ugu bishaareeyo”.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts