RW Rooble oo Imaaraadka ku wareejiyay Lacagtii 9.6 Milyan Dollar, una dhoofay Abu Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee Madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan oo jimcihii lasoo dhaafay geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray, taasi oosanadkii 2018 Ciidamada Amniga ay ku qabteen Garoonka Muqdisho, muddo afar sanno ahna dowladdu ku heysay Bangiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala  hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor