RW Kheyre oo sheegay in la kordhinayo xarumaha Caafimaad ee lagu Daaweeyo Corona

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la kordhinayo xarumaha Caafimaad ee loogu talagalay in lagu dabiibo dadka qaba xanuunka Corona.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaare Kheyre in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Bangiga adduunka in ay u soo iibiyaan Soomaaliya qalab caafimaad oo liigu talagalay fayruska Corona isla markaana ay jawaab deg deg ah ka sugayaan,dadka ayuu faray in ay qaataan talooyinka caafimaad ee wasaaradaha Caafimaadka.

Dhinaca kalana waxa uu faray dadka qaba cudurada raaga sida Macaanka Dhiigkarka iyo Wadna  xanuunka in ay ku nagaadaan Guryahooda maadaama ay yihiin dadka ugu nugul cudurka Corona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media