RW Kheyre oo ku wajahan Kismaayo iyo Amaanka oo aad loo adkeeyay

Ra”iisu-Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo halkaas oo lava dareemayo qabanqaabada soo dhaweynta wefdiga ra”iisul-Wasaaraha Soomaaliya.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana baaritaano laga sameeyay xaafado ka tirsan Kismaayo si loo xaqiijiyo Amniga masuuliyiinta la filayo in ay maanta gaaraan Kismaayo,dhinaca kalana waxaa halkaas shalay gaaray wefdi hordhac u ah Xasan Cali Kheyre.

Ilaa iyo haatan Xafiiska Ra”iisul-wasaaruhu Kama hadal ujeedada ka dambeysa safarka masuuliyiintaan uu horkacayo ra”iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in uu saacadaha soo socda ka dego Kismaayo waxaase halkaas kulamo kulan qaadanayaan madaxda ugu sareysa Jubbaland sida Madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media