RW Kheyre oo ku soo laabtay Muqdisho kadib safarkii uu ku tegay Kismaayo

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib  ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu safad qaatay 5-cisho uu ku tegay magaalada Kismaayo ee gobalka jubada Hoose.

Xasan Cali Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu kulamo kula qaatag Kismaayo kulamo madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas kuwaas oo looga hadlayay khilaafka dowladda fedraalka iyo maamul-gobaleedyada,iyada oo so khaas ah looga hadlay tabashooyinka Jubaland ee dowladda.

Munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Kismaayo oo lagu sagootinayay Ra’iisul-wasaaraha ayaa hadalo waxaa ka jeediyay madaxweynaha Jubaland iyo Xasan Cali kheyre oo ka qeybgalayaasha munaasabadaas u sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaashihii Jubaland iyo dowladda Somalia iyada oo madaxweynaha Jubaland uu tegi doono Muqdisho.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media