• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, August 30, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result

RW Cumar oo kulan looga hadlayo dar dargalinta New Deal la qaatay qaar ka mid ah safiirada beesha calamka iyo wafdi ka socday QM

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 4, 2015
in Warar
Reading Time: 8 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
Page1

RW Cumar oo kulan looga hadlayo dar dargalinta New Deal la qaatay qaar ka mid ah safiirada beesha calamka iyo Wakiilo ka socday QM

Muqdisho, March, 03, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa saaka shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar dargalinta barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) kaas oo soo bilowday bishii September 2013.

Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid safiirada qaar ka mid deeq bixiyayaasha, Wakiilo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Agaasimaha u qaabilsan dowladda arrimaha New Deal-ka iyo La taliyayaasha Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga mudane Cabdiraxman Caynte ayaa oo saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in gudi ka koobana todobo wasaaradood loo xilsaaray dabagalka iyo isku duba ridka Higsiga Cusub.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu magaacabay guddi wasiiro, oo kala ah Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhiga, Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha. Wasaaradahaas ayaa ka shaqayn doona la socodka barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal), waxaana hogaanka isku duba ridka deeqaha dalka la keeno yeelanaysa Wasarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga”ayuu yiri Wasiir Caynte

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay qaaday talaabooyin wax looga qabanayo amniga, ayna wiiqantay awoodii kooxaha nabad diidka, kuwaas oo laga xoreeyey dhul faro badan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa iney iga go’an tahay sii wadida howlihii baaxada lahaa ee socday, sida xoraynta iyo xasilinta dhulka ku harsan gacanta nabad diidka, dhamaystirka maamul u samaynta gobolada dalka. waxaana xusid mudan in hada xukuumadu ku mashquul san tahay sidii loo yagleeli lahaa maamulka laga hirgalinayo gobolada dhexe, waxaa intaa bar bar socda dhiiri galinta shirka dib u hesiisiinta ee ka socda Dhuusamareeb oo hada maraya meel gabo gabo ah” ayuu yiri RW Cumar.

“Waxaa sidoo kale xaqiiq ah iney na sugayso howl badan iyo waqti xadidan, lakiin taageerada aan ka helayno shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka anagoo kaashanayna ayaan ku rajo weynahay iney noo suurta gasho inaan si dhaqso ah u qabano shaqo badan” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay inuu balan qaadayo ka dhabaynta qaabkii u shaqayn lahaa Higsiga Cusub.

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada warbixin looga siiyo wixii ka qabsoomay barnaamijka higsiga cusub mdudadii uu socday, caqabadaha hortaagan, sida uu uga hirgalay gobolada dalka iyo sidii loo dar dar galin lahaa qaybaha uga aadan dhamaystirka aragtida 2016.

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]

IMG 8088
IMG 8064
IMG 8098
IMG 8101
IMG 8101
IMG 8103
IMG 8111
IMG 8113
Previous Post

Dhageyso: Xildhibaan Sheegow oo deeq daawo ah gaarsiiyay isbitaalka dagmada Baraawe

Next Post

Joint Press Statement: UN and AU envoys call for increased measures to combat sexual violence in Somalia

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
Codeynta Doorashada Madaxweynaha Waqooyi Barri oo ka bilaabatay Laascaanood.
Warar

Codeynta Doorashada Madaxweynaha Waqooyi Barri oo ka bilaabatay Laascaanood.

August 30, 2025
Laascaanood: Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Waqooyi Bari oo si rasmi ah uga socota
Warar

Laascaanood: Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Waqooyi Bari oo si rasmi ah uga socota

August 30, 2025
Next Post

Joint Press Statement: UN and AU envoys call for increased measures to combat sexual violence in Somalia

Somali President Congratulates Northeastern State Leaders

Somali President Congratulates Northeastern State Leaders

by Liban
August 30, 2025
0

MOGADISHU, – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has congratulated Abdulqadir Ahmed Aw-Ali and Abdirashid Yusuf Jibril on their election as...

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

by Ilhaan
August 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

by Ilhaan
August 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya, kadib doorashooyinkii...

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

by Ilhaan
August 30, 2025
0

Doorashadii ka socotay magaalada Laascaanood, xarunta maamulka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, ayaa maanta ku soo dhamaatay in C/rashiid Yuusuf Jibriil...

Somali President Congratulates Northeastern State Leaders
English News

Somali President Congratulates Northeastern State Leaders

August 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliya
Warar

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliya

August 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Codeynta Doorashada Madaxweynaha Waqooyi Barri oo ka bilaabatay Laascaanood.
Warar

Codeynta Doorashada Madaxweynaha Waqooyi Barri oo ka bilaabatay Laascaanood.

August 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali President Congratulates Northeastern State Leaders
  • R/ W Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya
  • C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00