Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda ay u furan tahay dhowr waddo oo lagula dhaqmayo dowlad goboleedka Tigreyda haddii tan iyo Isniinta ay u hogaasami waayaan amarrada dowladda.
Afhayeenka Aqalka Federation-ka Aadan Faarax ayaa la sheegay inuu yiri: “Waxaa suurogal ah in lakala diro Baarlamaanka Gobolka Tigrayda amaba ciidamo loo diro gobolka.
Itoobiya ayaa khalalaase wajahaysay tan iyo bishii la soo dhaafay ka dib markii gobolka Tigreeda ay doorasho u gaar ah qabsadeen.
Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada.
Raii’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.
Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona.