RW Abiy iyo Isaias Afwerki oo safar lama filaan ku gaaray Magaalada Jubba

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay booqasho hal maalin ah si wadajir ah ugu tageen Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka dalka Koonfurta Suudaan.

Warar kaka duwan ayaa ka soo baxay ujeedada socdaalkooda, iyadoo Warar sheegayna inay Madaxweyne Silva Kiir kala hadleen dadaalkiisa ku Aadan dhexdhexaadinta Khilaafka Xuduudka ee u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan.

Safarka Issias Afewerki iyo Abiy Ahmed ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweynaha Masar,  C/fataax Al-sisi shalay booqday caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, isagoo la kulmay Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/fataax Al-burhaani iyo RW Cabdalla Xamduuk.

Madaxweynaha Masar C/Fataax Al-sisi  ayaa waxaa uu sheegay inuu Ammaanka Suudaan qeyb ka yahay Ammaanka Masar, isagoo hadalkaas ka sheegay Jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxa Golaha KMG ee haya talada dalka Sudan, ku qabteen Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor