Ruushka oo soo saaray fariin ku socota Dowladda Somalia iyo Somaliland

Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay wada-hadalkii bishii Ogoosto ee sanadkaan 2020 dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Jabuuti oo labada dhinac heshiis gaareen, in kastoo aan la fulin.

Ergayga joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vassiliy Nebenzia ayaa sheegay in Xukuumadda Moscow ay ka walaacsan tahay burburka ku yimid wejiga labaad wada-hadalkii bilowga ahaa ee dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti.

Sidoo kale Vassiliy Nebenzia ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay leedahay in mar kale dib loo bilaabo wada-hadaladii u dhexeeyay labada dhinac, isla markaana laga shaqeeyo qaabka ugu wanaagsan khilaafka lagu xalin karo.

Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ka dalbaday wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal buuxa lana sii amba qaado wejiga labaad wada-hadalkii bilowga ahaa ee Ogoosto ka dhacay Jabuuti.

“Waxaan ka walaac sanahay burburka ku yimid wejiga labaad ee wada-xaajoodyadii August, waxaan ka dalbaneynaa labada dhinac inya isu tanaasulaan, aad bey muhiim u tahay in wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland dib loo bilaabo” ayuu yiri Vassiliy Nebenzia.

Somaliland ayaa si iskeed ah Madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor, Tan iyo xilligaas waxay Ma’suuliyiinta Somaliland raadinayeen aqoonsi caalami ah, iyadoona wada-hadalo dhowr oo horey u dhexmaray Somalia iyo Somaliland ay fashil kusoo dhammaadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media