Ruushka oo qirtay in Khasaare kasoo gaaray dagaalka uu ku qaaday Ukraine

Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horreysay sheegtay in uu khasaare ka soo gaadhay dagaalka ay ku gashay Ukraine.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa markii ugu horerysay qiratay khasaare, hase yeeshee ma aysan cayimid wax tiro ah.

“Waxaa jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay militeriga Ruushka intii uu socday howlgalka khaaska ah,” ayay wasaaraddu ku tidhi bayaan ay kasoo saartay magaalada Moscow, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka ee TASS.

“Khasaaraha soo gaadhay ciidanka Ruushka waxa uu dhowr jeer ka yar yahay tirada khasaaraha ee gaadhay kuwa qaran doonka ah ee la burburiyay,” ayay ku tidhi bayaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor