Ruushka oo helay tallaal muhiim ah iyo Mareykanka oo ka walaacsan

Wasaaradda Caafimaaka dalka Ruushka ayaa sheegtay, hay’adaha caafimaadka dalka Ruushka inay iisu diyaarinayaan olole tallaal oo ballaaran oo ku saabsan Coronavirus oo bisha Oktober dalkaasi laga fulinayo.

Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xigatay wasiirka caafimaadka Ruushka Mikhail Murashko waxay sheegeen dhakhaatiirta iyo macallimiinta in tallaalka ugu horreeya lagu billaabayo.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xigatay ilo wareedyo ay shaacin ayaa sheegtay in tallaalka Ruushka uu ku guuleystay si rasmi ah bishan loo ansixin doono.

Hase yeeshee, khubarada qaar waxay walaac ka muujiyeen Ruushka orodka u uugu jiro inuu noqdo dalka ugu horreeyey ee tallaaka Covid-19 soo saara.

Jimcihina, Khabiirka sare ee cudurrada faafa ee dalka Mareykanka, Dr Anthony Fauci, wuxuu sheegay inuu rajeynayo Ruushka iyo Shiinaha “iney tallaalka si dhab ah u tijaabinayaan” ka hor inta ay cidna kaga hormarin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media