Ruushka oo Ciidamada difaacaya Magaalo Go’adoonsan ka dalbaday inay is dhiibaan

Ruushka ayaa ciidamadii ugu dambeeyay ee Ukraine ee difaacaya magaala dekedeedka la go’adoomiyay ee Mariupol ugu baaqay inay is dhiibaan si ay u badbaadiyaan noloshoda.

Moscow ayaa sheegtay inay ciidamada Ukraine ka sifeeyeen magaalada, halka kuwa harayna ay ku suganyihiin aagga warshadda birta ee Azovstal.

Shixnado gargaar sida oo ka yimid Mareykanka ayaa soo gaaray Ukraine, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan aqalka cad ee Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor