Rooble “Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed, maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed.

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed ayaa waxaa uu hambalyo u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed Rooble, isagoona sheegay inay xooga saari doonaan  horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Shaqaalaha uga mahadcelinayay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa sidaan yiri “xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor