Rooble oo War kasoo saaray Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay Shangaani

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku Cambaareeyay qaraxaas khasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawaca geystay ee uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa oo isku dhex qarxiyay goob Maqaayad ah.

Rooble ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxa Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, wuxuuna dadka dhaawacmay uu Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan” ayuu yiri RW Rooble.

Qaraxii ka dhacay Caasimadda ayaa waxaa ku geeriyooday 6 qof oo afar kamid ah ay ahaayeen dhalinyaro siweyn looga yaqaanay Gobolka Banaadir, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo kamid ahaa dad goobta ku sugnaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay Qaraxyo Is-miidaamin ah iyo kuwo miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah, waxana qaraxyada oo geystay khasaaro kala duwan intooda badan sheegta Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor