Rooble oo mar kale farriin u diray Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble uu diyaar u yahay si wadidda wadahadallada Musharaxiinta Madaxweynaha.

Afhayeen Mucalimuu oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Rooble uu mar kasta diyaar u yahay sii wadida wadahadalladii uu Roble la lahaa Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, si guud iyo si gaar gaar ahba, loona gaaro heshiis.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri Macalimuu.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey markii uu burburay heshiis horey u dhexmaray Xukuumadda Rooble iyo Musharaxiinta, isla markaana la isla gartay in la qabto banaanbax ay ku baaqeen Musharaxiinta, wallow uu qabsoomi waayay.

Musharaxiinta iyo Rooble ayaa sidoo kale isku fahmi waayay qodob la xiriira xiriira geeddi socodka hannaanka doorashooyinka, waxaana Midowga uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo ku eedeeyay in uu carqaladeynayo wadahadallada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor