Rooble oo kormeeray Xarunta ay ka shaqeyn doonaan G/Wasiirada

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta kormeeray xarunta ay ka shaqeyn doonaan Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo dhismihiisa heer gabogabo maraya

Dhismahan oo ah Xaruntii Xisbiga ee ku taal degmada Warta Nabadda ayaa waxaa muddo sanado ku socday dhismo iyo ballaarin waxaana uu ka mid ahaa mashaariicdii ay maalgelisay dowladda Qatar ee Xukuumaddii hore ay ugu deeqday.

Inta uu kormeerku socday waddooyinka qaar ayaa la xiray iyadoo hakad uu galay isku socodka waddooyinka ka agdhaw goobaha uu kormeeray Rooble.

Sidoo kale RW Rooble waxaa ku wheliyay socdaalka kormeerka ah, masuuliyiin ka tirsan Dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor